Post View....

Beesha caalamka oo Baaq u jeediyay madaxda Soomaalida

0
155

Weli waxaa Muqdisho ka taagan khilaafka ku aaddan doorashada xilligeedii ka dib dhacday.
Waxaa taagan baaqyada kasoo baxay Beesha Caalamka xilli magaalada Muqdisho uu weli ka taagan yahay khilaafka arrimaha doorashada.
Midowga Yurub ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay degdeg xal uga gaaraan arimaha ku gedaaman doorashada.
Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in madaxda Soomaalida ay si deg deg ah uga heshiin doono arrimaha doorashada si loo qabto doorasho nabad ah.
Shir uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana la filayay in shalay lagu saxiixo heshiiska doorashada ayaan sidii la filayay u dhicin.
Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in si weyn ay uga walaacsan yihiin ismari-waagga siyaasadeed ee sii socda ee harreeyay doorashada Soomaaliya.
Qaramada Midoobey waxay dowladda ugu baaqday in laga khilaafka si loo sii ambaqaado shirkaa ka socday garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqnaa shirka iyagoo shuruudo hor dhigay ka qaybgalkooda.
Baaqa beesha caalamka ay u jeediyeen madaxda Soomaalida

About Author