Post View....

Ar American iyo UNaaaa sey noogu Falaadeen!!!=Faallo=

0
150

Caruur yar yar oo Dugsi dhexe dhigato ayaa Macalinku Bil kasta u dhigayay Cashar ah Hal kalimad: Ha cabsan, Bishii kale, Ha baqin, tii xigtay ha walwalin, Laa takhaaf, Don’t Afraid, Ha argagixin, Ha fiigin, Bil kasta hal kalmad.
Ardaydu waxa ey Waalidka ugu sheekeeyaan Maalin kasta , ma maqashay Casharka cusub ee Macalinka, Xaaladdu caadi ma ahan Maanta.
Adigu ma fiirisay warka Bil kasta Mareykanka iyo UN-ka ka soo baxo, ee Somalida qaarkood ey ku leeyihiin: war weyn ayaa Xalay Mareykanku ku dhawaaqay, Xaaladdu caadi ma ahan Maanta.
War hooy, wax is bedelay ma jiraan, war weynna ma jiro. Horta ma xisaabtantaa?, warka Ajaanibta macnahiisa ma dhuuxdaa?, ma keydisaa warkooda?, Kadibna maka raadinaa wax Dan u ah Somalida? iiga Jawaab, waan waa sugaa Jawaabta.
Bal Fiiri: Todabadan qoraal ee ka soo baxday Beesha 6aad Madaxdooda Bilihii la soo dhaafay, Ma uga jeedaa wax Ficil ah oo wax noo xalinayo, kulli waa: waxaan walaac ka muujineynaa, waxaan soo dhaweynayaa, waxaan Cambaareyneyna, deg deg u shira, is xaliya, Colaadaha joojiya, Doorashu dimoqaraadiya ah qabta.
Markii wax naloo sheego la waayo ayaa Gabadha Xogheynta ah la yiraa dhowr sadar u qor, Qoraaladii hore iska tixraac.
Aan Allaah ka cabsanno iskuna tashano.warka Xogheyntu Aayad Qur’aan ma ahan ee Danteena aan Garo.
wax qabad ma uga jeedaa 7dan lagu sheegay war murtiyeed, Koleeyba Anniga maya, haddaan Fahmi waayay i sax. (F.S: 1- 7aad)
Qore: Yahya Amir.

About Author