Post View....

Amar uu Madaxweyne Farmaajo siiyey Ciidanka Oo la Dhaqan Geliyey

0
136

Iyada oo la fulinayo amarka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidanka xoogga dalku waxaa ay howlgal ballaaran oo cadawga lagu cirib tirayo ka wadeen deegaano ka tirsan gobollada Shabeelooyinka.

Howlgalkii ugu dambeeyey ayay ciidanku ka sameeyeen tuulooyinka kala ah, maguurto, Gumarrey,Kaxarrow,Doonka weynow,Doonyarow,Cadeyley,Lafagaale iyo kuwa kale waxaana Howlgalkaan oo qaatay saacado badan jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxaha Khawaarijta ah .

Taliyaha howlgalka Hoggaaminaya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay 18 Maleeshiyaad ah kuwaas oo qaalbilsanaa miina galinta waddada udhaxeysa Tixsiile iyo Afgooye.

“Muhiimada howlgalka waa in Baaritaan lagu Sameeyo Tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada si loo baabiyo miinooyinka ay galiyaan waddada isku xirta Tixsiile iyo Afgooye” Ayuu yiri Cabdalla Mustafe taliyaha ciidanka howlgalka fuliyey.

Xigasho-Warbaahinta Dawlada Soomaaliya 

 

About Author