Mar kale ayey Bilaabeen Murashaxiinta Mucaaradka maanta Abaabulka Mudaaharaadkii ay Iclaamiyeen in Jimcaha La iskugu yimaado Fagaaraha Daljirka Dahsoon.
Xisbiga UPD Ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Galabta la shiray Xubnaha Xisbigaasi waxaana laga hadlay abaabulida dadka inay kasoo qeyb galaan Dibad baxa Jimcaha dhacaya.
Murashaxiinta ayaa sidoo kale Xisbiyada ay hogaamiyaan iyaguna Kulamo ka wada Caasimada si Daljirka Dahsoon la iskugu keeno Shacabka oo ay Dareenkooda muujiyaan.
Abaabulkaasi iyadoo uu socdo ayaa hadana waxaa jira Ciidamo badan Oo Dawlada diyaarisey si loo baajiyo mar kale in la isku soo baxo.
Ciidanka Gor gor,Haramacad iyo kuwa NISA ayaa la diyaariyey oo heegan u ah ka hortegida Dibad baxaasi Mucaaradka iclaamiyeen Maanta mar kale in Jimcaha ay dadka ugu baaqeen in la isku yimaado.
Dawlada ayaa Wasiirkeeda Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe ayaa maalintii shalay shaaca ka dhigay in wax iska badelay jirin go’aankii Xukuumada Ee ahaa in aan la isku imaan Karin.