Saraakiil katirsan ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta DANAB Ayaa la iskugu geeyey Xerada belidoogle Gobolka Shabellaha Hoose.
Waxa la sheegay in tani ay qeyb ka tahay qorshe lagu xakameenayo Askarta Qalabka sida in Banaanbax mucaaradka dhigayaan ku lug yeeshaan.
Belidoogle ayaa la geeyey waxaana la tilmaamay in Askarta laga baqay inay Murashaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka adeegsadaan.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xiriir dhexmaray saraakiisha Qaar Danab iyo Murashaxiinta la ogaaday.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Amar ku bixisey in Askarta xitaa fasaxa ku maqnaa la xareeyo ka hor Jimcaha 26-ka bisha ku beegan.
Go’aan ayey Dawladu ku qaadatay is hortaag ay ku sameyso banaanbax mucaaradka ku qabsdaan Taalada Daljirka dahsoon Ee Muqdisho xilli mucaaradka iyaguna ku adkeysanayaan in ay sii wadayaan ka miro dhalinta qabashada iskusoo baxooda.