Warar lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow xarunta xalane ayaa shegaayo in ajaanibtii ugu badneyd ayaa maanta isaga baxay xarunta xalane ee Muqdisho ayaga oo ka cabsi qaba in dagaal lagu soo qaado musharaxiinta degan agagaarka xarunta xalane saameyn uu ku yeesho iyaga.
Ajaaniibtan ayaa kala dhalatay wadama UK, GERMANY, USA, SOUTH AFRICA & dalal kale, kuwaas oo u kala shaqeynayay shirkado iyo safaarado ku yaalla xarunta xalane oo beesha Caalamku ay dagan tahay.
Diyaaradaha maanta ka baxay Xamar, Soomaalida raacday iyo Ajnabiga waxaa badnaa ajaaniibta, taasoo caddeynaysa heerka dhibku gaaray ee xaaladda Muqdisho ka taagan lagu sifeyn karo.
Xubnaha beesha caalamka ka jooga magaalada Muqdisho ayaa cabsi xoogan ka qabo in magaalada Muqdisho kadhacdo dagaal udhaxeeyo musharixiinta mucaaradka iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.