Dalka Kenya waxaa aad loogu kala qeybsamay wax ka beddel la doonayo in lagu sameeyo dastuurka Kenya oo 10 sano kahor la meelmariyay.
Wax ka badelka oo ujeedkiisu la sheegay inay tahay sidii dadka la isugu soo dhaweyn lahaa ayay dowladda Kenya sheegtay in uu horseedayo in dhaqaale dheeraad ah ay helaan maamulada hoose ee dalka.
Qorshahan ayay dadka qaar taageersan yihiin halka kuwa kalena ay u arkaan mid aysan dan ugu jirin shacabka.
Dadka ku kala aragti duwan waxaa kamid ah hogaamiyeyaasha Soomaalida ee gobolka waqooyi bari Kenya.
Xildhibaan Aadan Bare Ducaale oo laga soo doorto bartamaha Garissa ayaa BBC u sheegay in qorshaha la isugu soo dhaweynayo shacabka aysan wax dan ah ugu jirin gobolka Waqooy bari Kenya maadama dhibaatooyin ay ka jiraan gobolkaas.