Labada kooxood ee isaga soo hor jeedo arrinta Banaanbaxa Midkoodna iima yeeran igamana codsan in aan Taageero, Laakin waxaan Xaq u leeyahay in aan Difaaco Xuriyadeeyda Hadalka iyo Xuriyadeeyda guud.
Socod dheer kadib, Subaxnimadii hore, waxaa Tagay Goobta Dal jirka Dahsoon oo u dhexeeyo Labada Ciidan si aan u muujiyo in Xuriyadeeyda iyo tan mustaqbalka caruurteedu eyna gorgortan galin.
Waan Arkayay Ciidamo iyo Shacab luuqyada isagu jiro, Kuwo gaadiid qafilan saaran iyo kuwa sugayo in ey dhulka u soo degaan, waan arkayay Hooyooyin iyo Dad Dan yar ah oo daalan oo waddada dhinaceeda fadhiyo.
Anniga Xuriyadeeydu Beec ma ahan gorgortanna ma gasho, Arragtideydana Xur ayaan u ahay, Labada kooxood midna ka yeeli maayo inta aan noolahay in aan Gunnimo ogolaado.( F.S: 1-7).
FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay.
Qore:Yahya Amir