WASHINGTON:-Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.
Warbixinta ayaa tibaaxaysa in amiirka uu ansixiyay qorshe ah in la soo qabto amaba la dilo weriye Jamaal oo uu saldhiggiisu ahaa waddanka Mareykanka.
Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo iska fogeeyay in uu armay dilka weriyaha.
Khaashuqji ayaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga Oktoobar 2018.
Jamaal ayaa ahaa suxufi caan ku ahaa dhaleeceynta iyo dhaliilidda maamulka Sacuudiga.
“Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khaashuqji,” warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay.
Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay shakhsiyaad ku lug lahaa amaba mas’uul ka ahaa dhimashadii Khaashuqji.
Tan iyo 2018, CIA ayaa la sheegayay inay rumaysan tahay in amiirka dhaxalsugaha ah uu amray dilka hasayeeshee eedaha ah inuu ku lug lahaa ayaanay shaacin saraakiisha Mareykanka illaa waqtiga laga soo gaaro.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu tallaabo ka adag middii uu qaadi jiray Donald Trump ee dhanka xuquuqul insaanka iyo qaanuunka ee waddanka Sucuudi Carabiya, kaas oo ah xulafo muhiim ah oo uu Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay in maamulka Biden uu ka baaraandagayo inuu baabi’iyo heshiis dhanka hubka ah oo Sucuudiga lala galay kaas oo walaac dhanka xuquuqda aadanaha keeni kara.
Bayaan goor dhow ka soo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gabi ahaanba gaashaanka u daruuray xogta Mareykanka uu ka soo saaray dilkii weriye Jamaal Khashoggi iyada oo oo ku tilmaantay mid fool xumaynaysa sumacdda maamulka Sacuudiga oo aan la aqbali Karin.