Sida ay inoo sheegeen qaraxa dad goob joog ahaa waxaa mar keliya la arkay baabuur xoog uga soo gudbay Koontaroolka laga isgoyska Dabka.
Gaariga ayaa nuuciisu ahaa nooha ciidamada Booliska ayaana ceersaday dhinaca Sayidka xilli uu usocday.
Rasaas badan ayey ciidamada ku rideen gaariga ka hor inta uusan qarxin,dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay.
Dadka ayaa kala firxaday markii ay arkeen gaariga la baacsanayey inta aan qaraxa uu sameynin.
Taliska Booliska ayaa Warbaahinta warbixin ka siin doona khasaaraha qaraxaas Oo ay si hordhac usheegeen in la fashiliyey.
Naga filo wixii soo kordha insha allaah