Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ruqsadda adeegyada lacagaha la isugu diro guddoonsiiyay shirkadda isgaarsiinta ee Horumuud ee fadhigeedu yahay magaalada Mudisho.
Waxaana tallaabadan lagu doonayo in sare loogu qaado nidaamka casriga ah ee lacagaha la isugu diro si loola jaanqaadsiiyo nidaamka caalamiga ah ee adeegyada lacagaha dunida.
Shirkadda Hormuud oo Soomaaliya ka howlgaleysay tan iyo sanadkii 2002, waxaa ku xiran macaamiil gaareyso 3.6 malyan halka ku dhawaad 3 malyan oo qof oo kamid ah dadkaas ay adeegsadaan adeega lacagaha la isugu diro ee EVC Plus, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Isgaarsiinta Hormuud waxaa laga adeegsadaa inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, adeegan wuxuu dad badan ka caawin doonaa in si sahlan ay lacagaha isugu diraan iyagoo adeegsanayo teleefoonadooda.