Maamulka Shirkadda Facebook ayaa dadka reer Australia ka xayirtay wadaagga iyo daawashada wararka ku jira bartaasi oo muhiim u ah adeegsia ama marinada lagu gudbiyo macluumaadka dadweynaha .
Tallaabada ay qaadday Shirkadda Facebook ayaa jawaab u ah sharci la doonayo in laga sameeyo Australia, kaas oo ka dhigaya in shirkadaha waaweyn ee teknolojiyaddu ay bixiyaan lacagaha ku baxa wararka.
Bogag ka mid ah kuwa caafimaadka dawladda, xaaladaha degdegga ah iyo bogag kale ayaa sidoo kale la xiray manta o Khamiista ah ,iyadoo Shirkaddaasi ay markii dambe tallaabadaasi ay qaadeen ku tilmaamay in ay aheyd mid qalad ah.
Dowladda Australia ayaa sheegtay in xayiraadda ay halis gelisay “kalsoonida Facebook”.