Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Wararku waxay sheegayaan in Sheekhu u geeriyooday cudurka Coronavirus oo dhawaan soo ritay.
Waxuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu muhiimsan ee hadda lagu dabiibo dadka uu soo rito COVID-19.
Cudurkan ayaa hadda ku soo laba kacleeyey Soomaaliya, waxuuna horay u laayey dad hal door ka ahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.