Iyadoo la soo weriyay kororka dadka uu ku dhacayo cudurka Covid-19 ee gudaha Soomaaliya ayaa la faray shaqaallaha Hay’addaha Dowladda inay ka shaqeeyaan guryahooda intii ay tagi lahaayeen xafiisyada.
War qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay kadib markii la arkay labo kaclaynta cudurka ee Soomaaliya ay taasi keentay in la qaado talaabooyin dheeraada oo lagu xakamaynayo cudurka.
Agaasimayaasha iyo dadka kale ee aan looga maarmin xafiisyada ayaa loogu baaqay inay xirtaan maaskaro iyo inay ilaaliyaan kala fogaanshaha si looga baaqsado inuu cudurku faafo.
Soomaaliya ayaa sanadkii hore markii cudurka COVID19 laga helay qaaday tallaabooyin lagu xakamaynayo cudurka, balse markii dambe ee uu yaraaday ayaa dib loo qaaday xayiradahaasi.
Dawladda ayaa ku baaqday in dadku ay ka dhawrsadaan isu imaatinka, ayna xirtaan afka iyo sanka.
Bishan Febraayo waxa aad u kordhay tirada dadka uu ku dhacayo COVID19, iyadoo dhimashaduna korodhay.