Wasiirada Xukuumadda ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa hadda shir kula leh hoygiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, iyagoo kala hadlaya xaalada dalka sidii loo abuuri lahaa jawi degenaan iyo aragti wadaag ku dhisan.
Kaddib saacadihii la soo dhaafay oo ay Muqdisho ka gashay xaalado siyaasadeed oo ka dhashay dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.
Wasiiradaan ayaa lagu wadaa in Cali Mahdi usii maraan madaxweynayaashii hore ee dalka oo kala ah Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo hormuud u ah musharixiinta utaagan xilka madaxweyninimo ee dalka Soomaaliya.