Rasaas ayaa goordhow ka bilaabatay qeybo ka mid magaalada Muqdisho, marka ay saacada ku dhacday 12-ka saq dhexe, wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta u muuqato mid lagu soo aadiyay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynihii hore Farmaajo oo caawa ku beegan.
Waxaa la xusuustaa in Madaxweyne Farmaajo si weyn loogu dabaal degay markii la doortay 8 February 2017, xilligaasoo magaalada is qabsadeen rasaas dabaal degyo ah.
Hase ahaatee rasaasta caawa dhaceysa 8 February 2021 ayaa ah mid cagsigeeda ah tii sanadkii 2017.
Waxaa iyadoo ay tahay saqdii dhexe magaalada Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed iyadoo aysan jirin illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay kulamadaas.
Qaar ka mid ah midowga musharaxiinta madaxweynaha ayaa ku sugan guriga uu Muqdisho ka degen yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyadoo halkaa wadahadalo ay ka socdaan.