Waxaa xalay xaafadaha magaalada Muqdisho si weyn looga maqlaayay rasaas, kadib markii xalay la gaaray xalay saqdii dhexe oo ay taariikhdu isku badashay 8-da Feberaayo.
Rasaasta ayaa dadka qaar u fasirteen in ujeedkeedu ahaa in Madaxweynaha loogu sheegayo in Waqtigiisa madaxtinimada ku ekayd, iyadoo cabsi ay soo foodsaartay dadka Shacabka ah iyagoo ka baqanaaya in dalka uu lugaha la galo dagaal lagu hoobto.
Waxgaradka Muqdisho ayaa sheegay inay alay mar la noqotay in dalka uu ka bilowday dagaal, waxayna arinta Xabadaha laga maqlay Muqdisho ku soo aadaysaa xilli daqiiqado ka hor waqtigaasi Mucaardka ay sheegeen in wixii waqtigaan ka dambeeya aysan u aqoonsanayn Farmaajo nuu yahay Madaxweynaha dalka.