Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in qarax culus uu xalay ka dhacay gudaha guri ku yaalla magaaladaas.
Guriga uu qaraxaas ka dhex dhacay waxaa degan Agaasimaha wasaaradda kalluumaysiga Jubbaland Maxamed Khaliif.
Qaraxa ayaa ahaa mid lagu sii diyaariyey guriga, waxaana ka badbaaday Agaasime Maxamed Khaliif oo la aaminsan yahay in isaga loogu sii diyaariyey.
Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay xubno ka tirsan maamulka waxay noo sheegeen in uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas, marka laga soo tago burbur xoog leh oo gaaray guriga Agaasimaha.