Xafiiska Xeer-ilaalinta Puntland ayaa muddo shan cisho ah u qabtay 14 qof oo u shaqeeya Qaramada Midoobey, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay iska bixin waayeen cashuurtii ku waajibtay.
Xeer-ilaaliye kuxigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in hadii mudadaas loo qabtay cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonaan in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonto.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 14 galdacwadeed laga soo gudbiyay Shaqaalaha Qaramada Midoobat taas oo ku aadan in ay diiden inay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay.
Magacyada Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee mudada 14 Cishada ah loo qabtay ayaa waxaa uu Xeer ilaaliye kuxigeenka Punland ku kala sheegay.
1: Xamdi Cabdiraxmaan Cali oo u shaqeysa UNDP
2: Axmed Xasan Maxamed oo u Shaqeeya UNDP
3: Cabdinaasir Maxamed Xasan oo u Shaqeeya UNDP
4: Maxamed Maxamuud Gees oo u Shaqeeya FOA
5: Naciimo Saciid Faarax oo u Shaqeysa UNDP
6: Cali Cabdullaahi Cali Faarax oo u Shaqeeya UNDP
7: Abshir Yaasiin Saalax oo u Shaqeeya FAO
8: Seytuun Cartan Awaare oo u Shaqeeysa UNDP
9: Cawil Cabdinuur Yuusuf oo u Shaqeeya UNDP
10: Cabduqaadir Maxamed Muuse Beeldaaje oo u Shaqeeya FOA
11: Muqtaar Maxamed Jaamac oo u Shaqeeya WFP
12 Maxamed Maxamuud Xasan oo u Shaqeeya FOA
13: Maxamed Cali Ibrahim oo u Shaqeeya FOA
14: Barqad Shire Yuusuf FOA