Waqtigii Dowladii kacaanka waxaa jiri Jiray, kalmad la yiraa: JAALLE , oo Qof kasta Magaciisa laga hormariyo, Dukmentigana loogu qoro Rag iyo Dumar, Qof kasta oo Somali ahna waa JAALLE Hebal ama JAALLE Heblo.
Laga bilaabo 8 Feb.2021 Qof kasta oo Somali ah Magaciisa waxaa laga Hormarin karaa Madaxweyne Hebel ama Heblo, mana jirto cid gooni u sheegan karto.
Halla Yaabin haddii laga bilaabo 8 feb. 2021 Akhristoow, aan kuugu yeero Madaxweyne Hebel ama Heblo. Laga bilaabo maalintaa, Qof kasta waxaan ugu yeeri doonaa madaxweyne saa ula soco.
Kulanaka maanta ee Baarlamaankii 10 aad ee Sharci ahaan dhacay waxaan u arkaa Asaxaab is macasalaameynee oo ku qayilayo Xaruuntii hore ee Golaha Shacabka.
Haddii aan Sharciga la dhowreeyn, Qofba wixii uu sheegto ayaa Sharci u ah.
Maca salaama Dowladii dhacday ee diiday in ey xilka wareejiso.
FG: Akhristoow, waa Adiga “Mudane Madaxweynaha ” 8 Feb.2021 Aragtidaada xur ayaad u tahay. wixii ka khaladan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir.