Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in caawa saqda dhexe soo saaraan War murtiyeed ku saabsan mowqifkooda ku aadan dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku eg, iyagoo u aqoonsanaya in aanu wixii ka bilowda caawa 12 saq dhexe oo ku beegan 8 February in aanu Madaxweyne aheyn.
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashi hore ayaa goordhow la filayaa inay la kulmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, iyagoo ugu tagaya hoygiisa.
Wararka ayaa sheegaya inay kala hadlayaan xaalada siyaasadeed ee uu dalku galayo, kaddib dhamaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo in Guddoomiye Mursal oo isagaba muddo xileedkiisa dhamaaday inuu qaato doorkiisa kaga aadan dalka.