War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay ugu hadleen xaalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka iyo muranka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka.
Musharixiinta ayaa sheegay in wixii ka bilowda 8 February 2021 aanay Madaxweyne Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la dhiso Gole Qaran oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyeyaasha labada aqal, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, wakiilo ka socda Musharaxiinta iyo Bulshada rayidka.
Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday inuu dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay Madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay inuu xilka si nabad ah ku wareejiyo.