Kulan u dhaxeeyay Xubnaha Midowga Musharixiinta iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku qabsoomay Aalada Zoomka, waxaana uu ahaa mid looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka.
Kulanka ayaa sigaar ah waxaa looga hadlayay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, khilaafka kajira Arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa maadaama aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka.
Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa warqad u qoray Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo kusoo bandhigay shuruudo dhowr ah oo qaarkood ay aad u adag yihiin.
Qoraalka oo ka kooban laba bog ayaa waxaa kamid ah shurudaha ay soo bandhigeen in baritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday hoteelka Maa’ida oo ay deganaayeen labada Madaxweynayaal hore ee Sheekh sharif & Xasan Sheekh rasaastii Ciidamada dowladda ku fureen qaar kamid ah Musharixiinta xilli ay ku banaanbaxayeen wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho.
Sidoo kale qoraalka Midowga Musharixiinta waxaa ay ku dalbadeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu talada dalka ku wareejiyo Gole Qaran oo Kumeel Gaara ah & in heshiis deg deg ah laga gaaro , Arrinta Somaliland iyo Arrinta Gobolka Gedo.
Qodobada ay Midowga Musharixiinta dalbadeen ayaa waxaa kamid ah in ay sitoos ah uga qeyb qaatan wada-hadallada doorashooyinka , qabashada shirarka ololaha iyo adeegsiga Warbaahinta & qodobo kale.
Midowga Musharixiinta ayaa waxaa sidoo kale ay dalbadeen in jadwalka doorashooyinka lagu soo saaro muddo 60 Cisho Gudahood ah, sidoo kalena ay is casilaan taliyeyaasha Ciidamada, millateriga, Nabadsugida & Booliska oo ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen weeraradii ka dhanka ahaa Musharixiinta.
Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in heshiisyada doorashooyinka ee la gaarayo loo helo damaanad qaad Caalami ah iyo in dorashada Madaxweynaha lagu qabto goobtii ay ka dhacday 8-dii Febraayo 2017.
Shuruudaha ay soo bandigeen Xubnaha Midowga Musharixiinta qaarkood ayaa waxaa horay u soo gudbiyay Maamulka Puntland, waxaana kujira qaar adag oo laga yaabo inay u adkaato fulinteeda Madaxtooyada Soomaaliya.