Wargeyska Kayhan ee laga leeyahay dalka Iiraan waxa uu maanta oo Axad ah qoray in Weerarkii lagu qaaday Markabkii Ganacsiga ee Israel ay qeyb ka tahay Aargoosiga Mukhaawamadda ee Weerarada iyo Tacadiyadii ugu dambeeyey ee Israel ka geysatay Mandiqadda.
Wargeyska Kayhan oo aad ugu dhow Hoggaamiyaha Sare ee Iran waxa kale oo uu qoray in Weerarka lagu qaaday Markabka Israel waxay xaqiijinaysaa in laga gudbay xilligii wax la garaaci lahaa, lana carari jiray.
Markabka Xamuulka Israel oo lagu magacaabo MV Helios Ray, waxaa Khamisitii qarax lagula eegtay meel ku dhow Gacanka Oman, waxaana soo gaaray dhaawacyo duleelo ee labada dhinac ee uu Markabku ku sabeeyo.
Markabka oo noociisu ahaa kuwa Gaadiidka xambaara waxa uu ka soo ambabaxay Dekedda magaalladda Dammaan ee dalka Sacuudiga, wuxuuna ku sii jeeday dalka Singapore.
Waxa Markabka uu ku xirtay Deked magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Telefishinka Israeli Channel 13 News waxay Saraakiisha Difaaca ka soo xigatay inay rumeysan yihiin inay Ciiddanka Badda Iran 2 Gantaal ku weerareen Markabka, kuwaasi oo haddii Markabku wax soo gaaro aan sababi Karin inuu Markabku dego.