Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaalida looga dalbaday in ay “si deg deg ah” xal uga gaadhaan khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan arrimaha doorashada.
“In si deg deg ah loo xalliyo khilaafka doorashada ee hadda taagan waxay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya. Waa mas’uuliyadda iyo waajibaadka madaxda heer qaran iyo heer gobol in dhinac la iska dhigo raadinta faa’iidooyinka siyaasadeed, taas baddalkeedana la eego danta dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo u qalma in ay hoggaamiyeyaashooda ay tallaabo fiican qaadaan. Hadda waa waqtigii la xallin lahaa arrimaha taagan isla markaana lasoo afjari lahaa hakinta doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Mareykanka.