Haweeneey ayaa Maanta lagu dilay duleedka magaalada Beladweyne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan.
Dilka Marxuum Foos Axmed Barrow ilaa hadda lama sheegin dadka ka dambeeyey, hase yeeshee dhowr qof ayaa ku waramay in ay ku geeriyootay isku dhac ka dhacay deegaanka Ceel-gaal oo u dhaxeeya Ciidanka HirShabeelle iyo General Abuukar Warsame Xuud.
72-kii saac ee la soo dhaafay qaar kamid ah Haweenka magaalada Belad weyne, ayaa la kulmay qaarkood dil, dhaawac, jirdil iyo xarig, waxaana inta badan falalkaan lagu eedeeyay maamulka HirShabeelle.
Wali waxaa xabsi ku yaalo Beladweyne ku xiran 3 Haween ah,waxaa ku jirta dadka xiran Deeqo Cabdi Waare Oo la dhalatay Madaxweynihii Hore Ee HirShabelle iyadoo sidoo kale Haweenka Xiran ay ku jirto Haweeneey Xaamilo Ah.