Muqdisho:- Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka xoogga Dalka ee ku sugan jiida hore ee Magaalada Bacaadweyne, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Guutada 13-aad, Qaybta 21-aad ee qaybta ka ah howlgalada culus ee Alshabaab looga saarayo Deegaanada dhuumaaleysiga ay ku joogaan ee aaga Camaara.
Horjoogahan oo uu magaciisa Af-garashadu ahaa Cabdiqani, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.
Cabdule Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin.
Cabdiqani, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabbilsanaa hoggaaminta qayb ka mid ah jabhaadka geysta weerarada fulaynimada ah.
Sargaal u hadlay ciidanka xoooga dalka ayaa sheegay in horjoogahan uu xiriir la soo sameeyay ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay uu isu soo dhiibo, kaddib markii uu qirtay dhibaatada ay argagixisada ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka xoogga dalka ee ka howlgalla deegaannada Koonfureed ee Goholka Mudug ayaa wada howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo keentay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ay ka soo goostaan kooxda Al-Shabaab.