Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta Wacyi galinta Coved 19.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen kucigeenada gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sida looga Wacyigelin garo Bulshada kunool Caasimadda Muqdisho Cudurka Safmareenka ah ee Cronnavirus.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faray mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir inay dardar geliyaan howlaha looga hortagayo faafitaanka COVID-19.
Maamlmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Soomaaliya si aad ah ugu faafayay Cuudrka Coronavirus, waxaana shalay oo ugu dambeeysay Wasaarada Caafimaadka ay shaacisay 304 Ruux oo badankood laga diiwaangeliyay Magaaada Muqdisho.