Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka FS mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iska diiday dalab uga yimi madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Warqaad waxaa ay dad lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen in madaxweyne Farmaajo uu ergo u dirtay Cabdi Xaashi si loogu geeyo gurigiisa, islamarkaana ay uga wada hadlaan wixii khilaafaad ah ee jira.
Saaxiibada ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa rumaysan, in helitaanka Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiinta ku fikir ah ay ka yarayn karto culayska siyaasadeed ee Villa Somalia dareemeysay muddooyinkii dambe.
Maxaa ka dhaxeeya Farmaajo iyo Cabdi Xaashi?
Khilaaf soo jiitamayay sanadihii dambe ayaa u dhaxeeyay labada mudane, iyadoo ismarin-waagooda oo soo maray wajiyo kale duwan ay keentay in Cabdi Xaashi laga hor-keeno guddoomiye ku xigeenkiisa labaad Mowliid Guhaad oo degaan doorashadiisu tahay gobolka Gedo, islamarkaana lagu soo doortay magaalada Kismaayo.
Inta badan wax wada shaqeyn ah ma aynaan dhex marin xafiiska madaxweynaha iyo aqalka sare afartii sano ee la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale khilaafkaasi uu mar sabab u noqday in ay wada shaqeyn waayaan aqalka hoose iyo aqalka sare.