Faah faahin ayaa laga helayaa Xabad ka fakatay Majaajilayste Libaax Kabeeye, ayaa waxay ku dhacday gabar lagu magacaabi jiray Aniso.
Aniso C/casiis Saciid oo ahayd Askariyad ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland gaar ahaan Xerada 54aad ayaa ku geeriyootay xabadda oo la sheegay iney ka fakatay ama si kama ah ugu Qaraxday Majaajilayste Nadiir Bille Boos (Libaax Kabeeye) oo ah Saxafi, jilaa iyo muuqaal duube.
Waxa la xaqiijiyey inaysan waxba soo gaarin Xaliimo Sacdiyo oo ah gabadha sargaalnimada ku metelaysay qaybaha Riwaayadda oo Sawirkeeda aan idin muuqdo inkastoo wejigeeda la qariyey.
Sidoo kale xiriir lala sameeyey ayaa la sheegay in Aniso oo riwaayadeedii ugu horaysay kooxdan la jilaysay ay shil ku geeriyootay oo aan ulakac loo wadin.
Su’aal ayaa waxay ka timid Sababta keentay in bistoolad rasaas ku jirtay in ruwaayad lagu jilo.