Iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu goordhow ku dhawaaqay shir ka dhici doona Garowe kaas oo ay isku imanayaan Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo shaac baxaysa in Madaxweyne Farmaajo uusan kala heshiin Saciid Deni in shirka uu ka dhaco Garowe, taas oo keeni karta in Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Qoorqoor uu isaga horkeeno, waxaana la rumeysan in Madaxweynuhu shirkii Dhuusamreeb ka soo tagay iyadooo wali uu socday wada hadal lagu dhamaystiri lahaa heshiiskii 17 September.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa i sheegay in intii Madaxweyne Farmaajo wada hadlayeen isaga iyo Madaxweyne Deni ay ka war heleen in shirku uu ku dhawaaqay inuu ka dhacayo Garowe, taasna lama filaan ku noqotay.
Waxaa iyana xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo uu Golaha Shacabka ka codsaday in ay qeyb ka noqdaan geedi socodka doorashooyinka, maadamaa ay isaga iyo dowlad goboleedyada qaar ka mida ku heshiin waayeen meel marinta heshiiska doorashada dadban.