Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Ciidanka NISA oo aad u hubeysan u dirtay Deegaanada u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Ceel-lahelay oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidamada waxay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay tagayeen Xubno ka tiran Ururka Al-Shabaab deegaano ka mid ah Gobolka G/Gaduud, kuwaas oo mararka qaar weeraro ka fuliya Gobolkaasi.