Shirkadda isgaarsiinta dalka Itoobiya ee Ehtio telcom iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Jigjiga ku kala saxiixday heshiis fududeynaya in isgaarsiinta casriga ah la geeyo meelo go’doon ka ah isgaarsiinta caadiga ah ee waddankaas.
Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay tahay mashruuc ay ku doonayaan in deegaanno aan horay adeegga isgaarsiinta u heysanin fursad loo siiyo isticmaalka telefoonnada hadalka iyo waliba internet-ka.
Wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo Dhismaha ee dowlad deegaanka Soomaalida, Dr Cabdifataax Sheekh Biixi, ayaa BBC-da u sheegay in ay rajo weyn ka qabaan heshiiskan.
“Waxaan isugu nimid sidii loo xallin lahaa caqabadaha dhinaca isgaarsiinta ee 23 goobood oo ka mid ah dowlad deegaanka, una badan xarumo degmo oo 11-ka gobolba ka tirsan.”
Wuxuu intaas ku daray in hadda deegaannadaas si ku meel gaar ah loo geynayo qalab satellite-ka ku shaqeeya oo isgaarsiin ah, kaasoo suuragalinaya in lagu soo gudbiyo xaaldaha deg degga ah ee ku saabsan dhinaca amniga iyo caafimaadka.