Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinka dambe ee maanta shir deg deg ah ka yeelanaya xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka.
Muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaaday maalin ka hor, mana muuqato dadaalo doorasho looga qabanayo dalka, waxayna taasi keentay in Golaha Midowga Musharaxiinta ay ku dhawaaqaan inaanay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah 5-ta dowladood ee joogtada ah (Veto Power) ayaa codsatay in Golaha Ammaanka uu shir deg deg ahi ka yeesho xaaladda Somaliya.
Nuradiin Aadan Diiriye oo ah khabiir arrimaha diblomaasiyadda, horeyna ula soo shaqeeyay Qaramada Midoobey ayaa in waxa ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ay tahay midda doorashooyinka.
“Kulankan waxa ugu muhiimsan ee looga hadlayo waa arrinta doorashooyinka. Sida aad la socoto dalka Somaliya maanta waxaa ka jira qalqal dastuuri ah, iyadoo uu dhammaday muddo xilhayntii Madxweynaha Jamhuuriyadda ayaan lahayn heshiis lagu mideysan yahay oo looga gudbayo muddo xilhaynta sharciyadeed ee soo socoto ee doorashooyinka lagu gelayo, taa baa waxay keenaysaa khilaaf dastuuri ah, arrintaasina waxay walwal weyn ku hayn kartaa in ay wax u dhinto nabadda iyo xasilloonida Somaliya, midda Geeska Afrika oo laf ahaantiisa ay waxyaabo badan ka jiraan ayaamahaan iyo nabadda iyo xasilloonida dunida, Golaha Ammaankana masuuliyadiisa ugu weyn waa in xasilloonida dunida iyo nabaddiisa uu ilaaliyo. Waxaan fillayaa in arrimahaasi looga hadli doono.” Ayuu yiri Nuradiin Aadan Diiriye oo la hadlay BBC.
Su’aal ahayd door intee le’eg buu Golaha Ammaanka ku leeyahay masiirka arrimaha Somaliya oo la weydiiyay ayaa sheegay in goluhu uu door muhiima ku leeyahay siyaasadda dalka.
“Door aad iyo aad u muhiimsan buu ku leeyahay. Run ahaantii wadamada ku jira diiradda Golaha Ammaanka oo cutubka 7aad loo adeegsado waa wadamo la aqoonsan yahay in aysan ku filneyn nabadooda, xasilloonidooda iyo dowladnimadoodaba. Sidaa darteed Golaha Ammaanka uu sharciyad u siinayaa in uu nabadgelyada iyo xasilloonida dalkaasi lagala shaqeeyo, lana fara-geliyo, si dalka laf ahaantiisa uu wax isugu dhimin, deriskiisa iyo dunidana uusan wax u dhimin.” Ayuu yiri Nuradiin Aadan.
Waxa kaloo uu yiri “Somaliya Golaha Ammaanka diiradiisa bay ku jirtaa. Ciidamo nabad ilaalin ah oo dalka Somaliya joogga oo Afrika laga keenay oo ku joogga fasaxa Golaha Ammaanka ayaa joogga. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya u fadhiya si joogto ah ayuuna uga warbixiyaa Golaha Ammaanka, wixii sharciyad ahoo mar walba loo baahan yahay in arrinta Somaliya wax looga qabto ama lagu fara-geliyo.”
Si kastaba ha-ahaatee shirka Golaha Ammaanka ee maanta looga hadlayo xaaladda dalka ayaa ka duwan shirarka muddooyinkii ugu dambeysay uu goluhu kaga arrinsanayay arrimaha dalka