Waxa uu ninkaan kasoo jeedaa Qowmiyada Oromada sanadkii 2001-dii ayuu Dil uu geystay sababsaday in Xabsiga Hargeysa loo dhaadhiciyo.
Sheekada Ninkaan waxaa soo banaanbixiyey una dedaalay in lasii daayo oo waxa laga rabo Mag iyo Maal intuba la bixiyo C/maalik Muuse Coldoon oo mar Xabsiga kuwada jireen Ninkaan.
C/maalik ayaa sheegay in Lacag gaareysa 7 Kun Dollarka Mareykanka laga shubay ninkaan magtiina laga cafiyey,iyadoo Lacagta uu bixiyey Gudoomiyaha Astaan TV C/manaan Yuusuf oo qudhiisa Hargeysa lagu xiray Sanadkii hore.
Hadaba Ninkaan ayaa dib loogu celin doonaa Dalka Itoobiya uu kasoo jeedo,Labaatan sano uu xirnaa kadib ayuuna banaanka usoo baxay,isagoo ka mahad celiyey cid walbo oo ka qeyb qaadatay sii deyntiisa.