Sida ay sheegayaan wararka aynu ka heleyno Hotello iyo guryaha ay deggan yihiin siyaasiyiin caan ah oo magaalada Muqdisho ku yaalla, waxaa ka soconaya kulamo gooni gooni ah.
Kulamadani gooni goonida ah ayaa waxaa yeelanaya siyaasiyiinta ayaa ah kuwa looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee uu dalka wajahay.
Sida uu xeerinayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya muddada xil-haynta ah ayaa waxay ka idlaatay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Arrintaas ayaa ku soo aadaysa iyadoo weli aan heshiis buuxa laga gaarin khilaafka doorashooyinka ka taagan.