Xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxa looga yeeray Bahda Saxaafada halkaasi oo shir jara’aid lagu qabanyo Galabta sida qorshaha yahay.
Ilo xog ogaal ah ayaa Badweytims usheegay In Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abokor Dubbe iyo Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale ay Saxaafada wadajir ula hadli doonaan.
Ma cada Go’aanada ay saxaafada la wadaagi doonaan,hayeeshee in ay adkeyn doonaan Amarkii hore ee dadka inaysan isku imaatinada la diiday ayey ubadan tahay sida warar hoose sheegayaan.
Waxay sidoo kale ka hadli doonaan Qof jaakad waxyaabo Qarxa watay Lagu fashiliyey Maanta Meel ku dhaw Saldhiga Booliska Xamar weyne,islamarkaana ay ciidamada amnigu qabteen Ninkaasi.
Shalay ayey Murashaxiinta ku dhawaaqeen in Jimcaha oo 26 bisha ku beegan ay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ku qabsanayaan Banaanbax ka dhan Ah Madaxweyne Farmaajo,iyadoo Dawlada ay diidan tahay arintaasi.