THE HAGUE:-Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ahaa guddoomiyihii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda “ICJ” ayaa xilkaas laga qaaday kaddib markii xilkaas loo doortay masuuliyiin kale.
Xilkan ayaa loo doortay garosoore Joan E. Donoghue oo u dhalatay dalka Mareykanka, halka ku xigeenkeeda loo doortay garsoore Kirill Gevorgian oo u dhashay dalka Ruushka.
Garsoore Joan E. Donoghue ayaa xubin ka ahayd maxkamadda ICJ tan iyo bishii September 2010-kii, halka garsoore Kirill Gevorgian uu maxkamadda ku soo biiray sanaddii 2005.
Cabdulqawi ayaa weli xubin ka sii ahaan doona garsoorayaasha maxkamadda ICJ.
Xilkan maxkamadda ayuu mudane Cabdulqawi hayay tan iyo sanadkii 2018.
Waxa uu mar ahaa la taliye dhanka sharciga ah qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey.
Soomaaliya ayuu wax ku bartay oo sidoo kale bare jaamacadeed ayuu ka soo noqday jaamacaddii umadda.
Garsoore Cabdulqawi Waxaa uu sidoo kale ka mid yahay garsoorayaasah qaadaya kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Mar wax laga weydiiyay in qaadidda kiiskaas ay saameyn ku yeelanayso maadaama ay dhalashadiisa Soomaali tahay ayuu sheegay in ay aysan isku xirneyn dhalashada qof iyo shaqadiisa garsoorka.
“Ma aha in haddii xaakimka wadankiisa uu dacwad keeno in uu dacwadaasi ka baxo, laakiin dhalasha ahaan iyo xaakimnimadaada way kala duwan yihiin ,” ayuu yiri.
Maxakamadda caalamiga ah ee cadaaladda waxaa asaasay sanadkii 1945-kii waxa uuna f fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Netherlands
Garoorayaasha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa ka kooban 15 garsoore oo sagaalkii sanaba mar la doorto.
Luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah luqadaha rasmiga ah ee ay maxkamaddu ku qaaddo kiisaskeeda.