Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Maanta waxaa ay gudaha dalkaasi ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ganacsi ahan u tegay dalkaas.
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Maxamed dheere ayaa kooxda burcadda ah waxaa ay ku dileen goobtiisa ganacsi oo ku taal Magaalada Durban ee Dalkaasi Koonfur Afrika.
Mid ka mid ah Soomaalida ku nool Magaalada Durban kuna sugna meel aan ka fogeen goobta uu dilka ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxda Burcadda ah ay Muwaadinka Soomaaliyeed ku dhufteen dhowr xabadood kadibna Goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu sooo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan.
Dilka muwaadinka Soomaliyed loogu geystay Koonfur afrika ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli 16-kii Bishaan agu toogtay Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town, gaar ahaan agagaarka City Kem Pharmacy saddex burcad ah oo doonayay inay dhac geystaan.