Booliska Koonfur Afrika, ayaa sheegay inay soo xireen nin lagu eedeeyay inuu yahay Horjoogaha Burcadda Dilka u geysan jirtay Muwaadiniinta Soomaalida iyo ajaanibta kale.
Hawlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen meelo badan ayey deegaanka Motherwell oo ka tirsan Magaalada Port Elezapeth ee Gobalka Eastern Cape ku qabteen eedeysanahani oo muddo lagu raadjoogay.
Shan Wiil oo Soomaali ah ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay oo kaliya lagu dilay South Africa, kuwaasi oo Afar kamid ah lagu dilay PE, halka Muwaadinka kalana lagu toogtay Cape Town.
Abdulrazak IndhaJaceyl