Wakiilada Beesha Caalamka ee uu hoggaaminayay James Swan oo shalay shir la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay arrinta is mari waaga doorashada, iyagoo siiyay tallooyin iyo dhiira gelin, sidii uu kaalin uga qaadan lahaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka.
Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Amb. James Swan, Safiirada Midowga Yurub, Talyaaniga iyo Sweden oo kulanka qeyb ka ahaa ay kula taliyeen Ra’iisul Wasaaraha inuu kaalin hoggaamineed ka qaato wada hadalada doorashada.
Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa u sheegay Mr Rooble inay ku taageereynaa, kuna garab taagan yihiin haddii uu qaato hoggaanka xalka is mari waaga doorashada, maadaama Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ku kalsooneyn dhinacyada siyaasadda.
Waxaa kaloo Ra’iisul Wasaare Rooble lagula taliyay inuu Musharaxiinta fadhigooda yahay Jazeera inuu qanciyo, maadaama ay ku deegaan yihiin, isla markaana uu baadigoob u galo sidii ula fariisan lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas kaddib u sheegay Wakiilada inuu qaadan doono doorkiisa, balse uu Madaxweynaha ay iska arki doonaan.
Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in Ra’iisul Wasaaraha uu luminayo fursad weyn oo uu sumcad iyo taariikh ku reebi karo, haddii uu kaalintiisa qaado, maadaama aanu aheyn Musharax aheyn, sidaas darteed dhinacyada is haya u noqon karo mid dhex dhexaad ah, waa haddii uu qaato door hoggaamineed uu ku maareeyo xilliga kala guurka ah.