NEW YORK:-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ururka al-Shabaab ay halis ku yihiin ammaanka dalka.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo hadal ka jeediyay Golaha ammaanka ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ay khatar amni oo weyn ku hayaan Soomaaliya iyo xasilloonideeda.
“Kooxda al-Shabaab ayaa weerarradeeda kordhisay tan iyo bishii August 2020, iyada oo 2021-kiina ay weerarradu gaadheen halkii ugu sarreysay sida qaraxyada baabuurta lagu raro ee lagu beegsado masuuliyiinta iyo dadka kaleba” ayuu yiri danjire Swan.
Swan ayaa golaha ka hor sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta ee AMISOM ay guulo ka soo hoyeen gobolka Shabeellaha Hoose walina ay socdaan howlgalladu.
Xafiiska kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayuu Danjire Swan sheegay in uu sii wadi doono kaalmada uu Soomaaliya siiyo.
Mudane Swan ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen wahannaan ay ugu talagaleen in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka sanadkan 2021-ka.