Waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya galabta kulan ku dhex maray Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda saddexda maamul Goboleed ee taageersan.
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhex mara Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen ayaa waxaa dhinaca kale ka qeyb galay Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed, iyadoo looga hadlay xaaladda Doorashooyinka iyo sidii xal hore loogu dhaqaajin lahaa.
Xogta laga helay qeybtii hore ee shirka oo weli socda ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmajo uu ka dalbaday saddexda maamul Goboleed inay degdeg u bilaabaan Doorashada Senatoorada Aqalka Sare, ayna toddobaadka danbe bilaabaan Doorashada xubnaha Aqalka Sare, isla markaana wixii kale lagu xalin doono wadahadal.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa diyaar u ah inuu qabto Doorashada Aqalka Sare, halka Madaxwyenayaasha Galmudug iyo Hirshebeelle ay ka caga-jiidayaan inta xal laga gaarayo caqabadaha hortaagan Doorashada. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa caqabad ka heysataa magaalada Beledweyne oo su’aal ka taagan tahay sida Doorasho uga dhici karto.
Waanwaantii uu waday Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo koobantay su’aalo lagu soo celiyey oo ku saabsan xubnaha Guddiyada Doorashada ee Heer Federaal, arrinta Doorashada Gobollada Waqooyi oo la isku mari la’yahay iyo xaaladda Gobolka Gedo oo wax horumar ah aan laga sameyn.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal xoog leh ugu jira ilaa 15-ka Janaayo magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Baydhaba iyo Dhuusamareeb lagu doorto senatoorada Aqalka sare tiro gaareysa ilaa 30 xubnood.
Kulumada Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada ee taageersan ayaa mar kale dib u bilowday caawa, waxaana lagu wadaa in go’aano looga gaaro Doorashada, iyadoo arrinta ugu adag ee Gobolka Gedo ay jawaab ka sugayaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo farriintooda usoo dhiibay Madaxweyne Qoorqoor.