Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay Dagaalkii Maanta ka dhacay Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo,kaas oo khasaaraha uu kordhay intii la shaaciyey markii hore.
Dagaalkii waa uu istaagay,Ciidamada Dawlada ayaana si buuxda Magaalada gacanta ugu dhigay,Askar katirsaneyd kuwa Jubbaland ayaa Qaar Maxaabiis ahaan loo qabtay kuwii kalena waa ay baxsadeen.
Korneel Cabaas Ibraahim Gureey iyo Wasiir C/rashiid Janan ayaa dib ugurasho sameeyey waxaana laga cabsi qabaa in mar kale Dagaal rogaal celis ah soo qaadaan.
Janan ayaa waxa lagu dhaliilayaa istaraatiijiyad xumo uu sameeyey,askar badana looga qabtay Dagaalkii Xalay saqdii dhexe ay soo qaadeen.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa Badweyn usheegay in Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Jubbaland islamarkaana dagaalkii saaka ka qeyb galay uu ku dhintay Howlgalkaasi.
Dagaalka ayaala sheegay in Xildhibaan Maxamed Cabdi Afeey oo deegaan doorashadiisa tahay Degmada Afmadoow,kuna heyb ah Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka mid ahaa Saraakiisha Dagaalka hogaamineysay balse lagu dilay.
Askar dhimasho iyo dhaawac soo gaartay oo labada dhinac dagaalamay ah ayaa jirta balse weli si faah faahsan looma oga tirade intay gaareyso.