LOS ANGELES:- Weriye Larry King, oo ahaa weriye caan ah oo u dhashay dalka Mareykan ayaashalay ku geeriyooday gobolka Los Angeles.
Larry oo 87 jir ahaa waxaa geeridiisa xaqiijisay shirkadda Ora Media oo uu kamid ahaa asaasayaasheeda waxa uuna ku geeriyooday isbitaalka Cedars-Sinai Medical Center.
Muddo 60 sano ayuu ku jiray mihnadda saxaafadda, 25 sanoo oo kamid ahna wuxuu u shaqeynayay warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku qaban jiray barnaamij magaciisa xambaarsan.
Intii uu saxaafadda ku jiray, Larry wuxuu wareystay shakhsiyaad caan ah sida hoggaamiyeyaal siyaasadeed, jilayaal iyo ciyaartooy caan ka ah dunida.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in Larry la dhigay isbital kaddib markii uu haleelay xanuunka Covid-19. Sanadihihii dambe ayaa la sheegay in Larry uu la noolaa xanuun dhanka wadnaha ah.
Larry King ayaa caan noqday toddobaatameeyadii, xilligaas oo uu kusoo caan baxay barnaamijkii la oran jiray “The Larry King Show”. Sanadihii 1985 ilaa 2010 wuxuu barnaamij daadihiye ka ahaa telefishenka CNN, waxaana labaatankii sano ee lasoo dhaafay uu maqaallo ku qori jiray wargyesyo uu kamid yahay USA Today.
Sanadihii dambe waxaa uu Larry barnaamijyo isaga loogu magac daray u ka qaban jiray telefisheno uu kamid yahay RT oo ah warbahin ay leedahay dowladda Ruushka.