Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 100 askari oo kamid ah ciidamo ay sheegtey inay soo weerareen degmada Beledxaawo.
Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Dubbe, Oo Duhurnimadii Maanta Shir jaraa’id qabtay ayaa si cad u sheegey in ciidamo kiiniyaan ah ay dagaalka ku jireen:“Ciidanka Kiiniya iyo jabhaddii ay quudineysay ayaa xalay saq dhexe soo weeraray Beledxaawo iyagoo ka soo gudbay xuduuda si ay u qabsadaan magaalada muhiimka ah ee Beledxaawo.
Wasiirka ayaa taasi ku sheegay mid dhaawaceysa Qarannimada iyo Madax-banaaninda, Jabhaddii iyo ciidankii shisheeye in laga adkaaday ayaan shacabka ugu bishaareynayaa, In ku dhow 100 maxbuus ayaa dagaalka lagu qabtay, waana la jebiyay”. Ayuu yidhi Wasiir Dubbe oo la hadlay saxaafadda Muqdisho.
Kenya weli kama aysan hadlin Eedeynta uga timid Dawlada Soomaaliya ee ku aadan in Duulaan kusoo qaaday Magaalada beledxaawo.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=bMW4OzIWW84?feature=oembed&w=696&h=392]