Dowladda Soomaaliya oo hore uga hor timid warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ee bishii December loo xil saaray soo baaridda khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, kaddib kulankii IGAD ee Jabuuti, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku faahfaahisay sababaha ay ku diiddan tahay warbixintaas.
Warsaxaafadeedka oo xalay ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aaminsaneyn warbixinta guddiga, ayna tahay mid u janjeerta dhanka Kenya. Waxaan idiin soo gudbineynaa shan qodob oo ugu muhiimsan sababaha ay Soomaaliya ku diidday warbixinta IGAD:
Booqashada xadka Soomaaliya iyo Kenya
Dowladda ayaa sheegtay in guddiga xaqiiqo raadinta uu diyaaradaha helikobtarrada ciidamada Kenya u qaatay booqashada uu ku tegay xadka Soomaaliya iyo Kenya, si ay u ogaadaan eedeyntii Soomaaliya ay Kenya u jeedisay ee ahayd inay qeyb ka ahayd dagaalkii Beled Xaawo. Arrintaas ayay dowladdu ku tilmaantay mid aan loo baahneyn oo muujineysa in warbixintu ay u janjeerto dhanka Kenya ayna farta ku godayso IGAD.
Waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in markii uu Soomaaliya booqday, guddiga xaqiiqo raadinta ay ballan qaadeen inay la kulmaan wasiirrada difaaca, gaadiidka cirka iyo arrimaha dibadda, isla markaana ay booqdaan Beled Xaawo balse ay markii dambe ka baxeen.
Dagaalka Beled Xaawo.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in 25-kii January, ay maleeshiyaad ciidamada Kenya ku taageereen madaafiic ay weerareen Beled Xaawo, taas oo udub dhexaad u ahayd qodobbadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo qaadday shirkii ay yeesheen madaxa IGAD iyo dowladda, isla markaana ay ka dhalatay dhimashada 14 qof oo rayid ah, ayna ku jiraan haween iyo shan carruur ah oo hal qoys ka wada tirsanaa.
Dowladda ayaa sheegtay in falkaas uu meel uga dhacayo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay isku soo aadeen dagaalka Beled Xaawo iyo warbixinta guddiga, taas oo ay Soomaaliya ku tilmaantay in ujeeddo laga lahaa.
Kenya ayay ku eedeysay inay ku lug lahayd dagaalka Beled Xaawo
Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadii dagaalka Beled Xaawo ka qeyb qaatay ay soo tababareen oo ay taageero ka helayeen ciidamada Kenya, taas ayay sheegen inay ku marqaati fureen xildhibaannada ka soo jeeda Waqooyi-bari Kenya.
Waxay dowladdu ku eedeysay guddiga xaqiiqo raadinta inay daah saareen halka ay ku sugnaayeen ciidamada, taas oo ay sheegtay in lagu raalli gelinayay dowladda Kenya.
Inay warbixintu u xaglineyso Kenya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta u aragto mid ka timid dowladda Kenya, ayna dowladdu dooneyso in arrintaas lagula xisaabtami doono Kenya.
Kenya laguma aamini karo ammaanka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay in ciidamada Kenya aysan sugi karin ammaanka Soomaaliya, isla markaana ay Kenya joogitaankeeda Soomaaliya ku qarineyso danaheeda gaarka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay sii wadi doonto difaacidda xuduudageeda, isla markaana aysna u dulqaadan doonin isku dayada tallaabooyinka lagu kala qoqobayo maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka.
Waxay dowladdu intaas ku dartay inay IGAD ugu baaqeyso inay ka laabtaan warbixintaas ayna soo magacaabaan guddi xaqiiqo raadin ah oo dalal dhowr ah ka kooban. Waxay sidoo kale sheegtay inay u sii mari doonto Midowga Afrika haddii loo baahdana Golaha Ammaanka ee Qaramada Miodobay.
Xigasho:BBCSomali