Qarax xooggan ayaa laga maqlay caasimadda dalka Sucuudiga ee magaalada Riyadh.
Lamana ogo waxa sababay qaraxa balse warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in lasoo riday gantaall ama diyaaradaha aan duuliyaha wadin oo ay Xuthiyiinta Yemen doonayeen inay ku garaacaan halkaas.
Dowladda Sucuuda weli war ah kama aysan soo saarin warkan.
Saddex maalmood ka hor ayay aheyd markii ciidamada Sucuudiga ay qabteen gantaal la doonayay in lagu garaaco caasimadda.