Muqdisho:- Maamulka gobolka Banaadir ayaa wado dadaalo looga shaqeynayo nadaafadda iyo bilicda degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan nadiifinta wadooyinka caasimadda.
Maamulka Degmada Howlwadaag oo kaashanayo Waaxda Gaadiidka Dolwada Hoose ee Xamar iyo shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda ayaa xalay howlo nadaafadeed ka sameeyay Wadada dheer ee sodonka.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal xooggan ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa bilicda Caasimadda, nadaafadda waxay qeyb ka qaadataa horumarka Bulshada iyo inuu caafimaadka dadka iyo deegaanka uu hagaago.
Shacabka ayaa soo dhoweeyay dadaalada uu maamulka degmada Howlwadaag dib ugu soo celinayo bilicda degmada.