Ogaal la’aantaada, ha isku liidin. ” Aamin ama ha Aaminin”
Passprt-ga Somalida waxaa lagu tagi karaa in ka badan 32 Dal Visa la’aan iyada oo Visaha Si fudud lagaaga siinayo Garoomadda Dalalkaa ” Visa on arrival” iyada oo Ticket ka ey si fudud kuu siinayaan Shirkadaha Dayaaraduhu, uuna ogolaaday Ururka (Intrrnational Air Transport Association) – IATA. weliba qaarkood hadiiba and passport Somalia wadato, waxaa lagaa rabaa oo kaliya in aad 24 kadib is diiwaan galiso oo aad sheegto in aad Dalkaa joogto.
Waddamo naga Taariikh weyn, nagana Dad badan ayaan uga horeynaa Arrintaa, Tusale: Passporka Ciraaq waxaa lagu tagi karaa 30 Dal oo kaliya Visa la’aan, Pakistaanna 33 Dal.
Intaa waxaa sii dheer, Iskaba dhaaf Paasporkee, in ka badan 10 Dal ayaa lagu tagi karaa “Somali ID” warqad Aqoonsiga Somalida oo kaliya.
Xuriyadda kadib waxaa jiray waddamo Reer Yurub ah oo Passporkeena Visa la’aan lagu tagi jiray.
Ku dhawaad 40 Dal oo aan tagay Sannadahaan Dambe, waxaan ku tagay Somali passport, weligeey ma qaadan Service Passport, Diplomat ama mid Waddan kale, waxaan heeystaa Passportka Caadiga ah, ( F.S: 1& 2aad), Dowladna kama socon, Wadmadaa waxaa ka mid ah 5ta Dal ee leh Awooda Veto, Mareykanka, Ingiriska, Fransa, Ruushka iyo Shiinaha.
Badanaa meel aan la iga wicin ma tago, ileeyn kharajka iskama bixin karo, ugu yaraan 10 Dal Dad Somali ah ayaa igu Casuumay.
Labadii Bilood ee ugu dambeysay 2020, waxaan helay Casuumadaha Xarumo Waxbarasho iyo Bulsho ee Dalalka Singapore, Cambodia iyo Germalka laakin Cudurka Covid 19 dartii uma safarin ee Xamaraan iska joogay. Hadda Meelna uma safri karo Covid 19 iyo Aniga oo aan run ahaantii iska bixi karin Ticketka darteed.
Waddanka passport Kiisu ugu Awooda badan yahay Aduunka ee lagu tagi karo Visa la’ aan Dalal kale, waa Dalka Japan oo lagu tagi karo passprt kooda 190 Waddan, Africa waxaa hogaaminayo Dalka Seychelles oo Pssport kiisa lagu tagi karo 151 Dal Visa la’aan.
Hadda waxaa Aduunka aad ugu badanayo wadamada Visa la’aan lagu tagi karo. Sannadkii 2006 dii waxaa Visa la’aan la tagi karay 58 Dal , Sannadkii 2018 waxa ey gaartay 107 Dal in Visa la’aan la tago.
Waxaan aad u Aaminsanahay Hadda oo passporka Somalida lagu tagi karo 32 Dal, Haddii Wasaaradda Arr. Dibaddu isku dayo in si aad u fudud loogu dari karo 30 Dal oo kale si Visa la’ aan Somalidu ugu tagto, si ey u noqoto 62 Dal, weliba la sii raacsii karo 10 Dal oo kale oo shuruudo kooban leh. Laakin taasi waxa ey u muuqataa in aan la daneyneeyn, Bacdamaa Wasiiradii Arrimaha Dibadda ee na soo maray waqtiyadaan dambe Badankoodu ey heeystaan Passporo Wadama kale.
Ha fududeysan Awooda Somali Passport, Ogaal la’aan ha u liidin ama ha u inkirin, Xaqiiqda kaa qarsoon.
FG: wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir